Wasiir Beyle oo faahfaahiyay halka ay marayaan arimaha deyn cafinta

0

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyley ayaa sheegay in guusha laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka ayna sii wadi doonto si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.

Wasiir Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay Soomaaliya oo gaartay barta go’aan qaadashada dayn cafinta iyo tallaabooyinka xiga ee ay Dowladdu qaadi doonto

Warbixin ka soo baxday hey’adda lacagta adduunka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay gaartay hal abuurka deymaha looga cafinayo wadamada faqriga ama waxa loo yaqaano barta go’aan qaadasha dayn cafinta.

Soomaaliya waa waddanka 37aad oo gaara heerkaan dayn cafinta, waxaana ay ku timid dadaal dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib u habeynta hey’adaha maaliyadda dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxa ay Soomaaliya u dhaqaaqaysaa hannaanka dhameystirka dayn cafinta oo qaadanaya sadax sano”.

‘’Waxaan jeclahay in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyo guusha dadaalkii sanadihii la soo dhaafay ay ku bixiyeen dib u habeynta maaliyadda oo halkaan na soo gaarsiyay” ayay tiri Agaasimaha maamulka Hey’adda lacagta Adduunka Kristalina Georgieva.

Agaasimaha Maamulka Hey’adda Lacagta adduunka ayaa intaa ku dartay in dib u habeynta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ee ay dowladdu smaeysay in ay hogaamisay kobac dhaqaale.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Soomaaliya ka gaartay dayn cafinta.