Turkiga oo maxkamadeyneya Askar katirsan Boqortooyada Sucuudi Carabiya

0

Xeer ilaaliyaha Dowladda Turkiga ayaa Dacwad  Rasminah ku soo oogey ilaa iyo 20 kamid ah  Ciidamada Boqotooyada Sucuudi Carabiya Kuwaas oo Xeer ilaaliyaha Uu Ku eedeyey in ay ku lug lahaayeen Dilkii Loo geystey wariyihii Reer Sucuudi ee Jamaal Kashuqji,

Suxufigaas oo 2018 lagu Diley Qunsuliyada Sucuudiga uu ku leeyahay Magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga, waxaan kamid ah DadkanTurkigu uu aadka u Dondooneyo  laba Qof oo la sheegey in ay aad ugu dhawayeen Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxadmed bin Salmaan.

Sacuud Al Qaxdaani oo ahaa Kuxigeenkii hore Taliyaha Sirdoonka Sucuudiga iyo Axmed Al-asiri ayaa kamid ah kuwa sida weyn looga tuhmeyo Dilkii Foosha Xumaa ee Loo geystey wariye Jamaal ka shuqji.

Dhinaca kale waxaa siweyn ugu soo horjeestey  Hadalka kasooyeerey  Xukuumadda Ankara Dowladda Sucuudi Carabiya iyada oona ku tilmaantey Gardaro Bareer ah iyo Xadgudub ay Sameeyneyso Dowladda Turkiga.

Ankara ayaa waxaa ay walibDaba Taagan tahay  Sida Uu u dhacay Dilkaas iyo in aybCadaaladda ay wajahaan XubnahanlagubTuhmeyo, waxaana Xusid mudan in Maxkamada ay ka maqan yihiin dhamaan Askarta ay Dacwadu ku socoto.