Saraakiisha Ciidamada DFS Oo Ka Hadlay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Deynuunaay

0

Sarakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in degaanka daynuunaay oo qiyaastii 18 kiilo mitir ujira magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baay kudilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan fariisinka ciidanka xoogga ee degaankaasi.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidamanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo wareysi siiyay Idaacada dowladda isagoo ku sugan jiida hore dagaalka ee aaga daynuunaay ayaa sheegay in Al-shabaab uu khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Jeneraal Maxamed Shiikh ayaa tilmaamay in Alshabaab ay ka ka dileen kudhawaad 12 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab isaga oo sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen tira intaas ka badan.

Shalay ayay aheyd markii deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Alshabaab kaas ay guulo ka sheegteen ciidamada Milatariga Soomaaliya.