AKHRISO:- Madaxweyne Qoor Qoor” Mukulaal iyo dooli waan isku heynaya”

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa uu kualn qado ah kula qaatey dhammaan Siyaasiyinta Reer Galmudug ee maalmahaan ku sugnaa Dhuusamareeb.

Siyaasiyinta oo u badan kuwii mucaaradsanaa doorashadii ka dhacdey Dhuusamareeb ayaa waxaa uu kala hadley sidii looga wada Shaqeyn lahaa tayeynta Maamulka Galmudug uga duwanaan lahaa maamuladii ka horeeyey.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Khudbad jeediyay ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu isku haayo Mucaaradka iyo Muxafadka dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa yiri ” Mukulaal iyo dooli waan isku heynaya” oo uu kula jeeday Mucaaradka iyo Muxaafadka.

Siyaasiyinta qaarkood oo hadley ayaa waxaa ay ku amaaneyn Madaxweynah Galmudug sida uu u wado howlaha dib u heshiisiinta ah,iyaga oo balan qaaday in ay kala shaqeynayaan nabadeynta maamulka iyo dhameynta mad mad madowga jira.