AKHRISO:- Bandow Lagu Soo Rogay Kenya Iyo Kiisas Cusub Oo COVID-19 Ah Oo Laga Helay

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo goordhow qudbad ujeediyay shacabka Kenyaanka ah ayaa ka hadlay xaaladda Cudurka Coronavirus oo dalkaas laga helay kiisas Cusub.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu sheegay in 3 kiis oo horleh oo Cudurka COVID-19 ah laga helay Kenya, kuwaasi oo ay karantiishay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in hal qof uu cudurka ka bogsaday, wuxuuna tilmaamay in Kenya ka guulaysan karto faafida Cudurka oo fara ba’an ku haaya dalal ku yaalla Caalamka.

Ugu dambeyn Uhuru Kenyatta ayaa dalka Kenya kusoo rogay bandoo soconaya laga bilaabo 7:00 habeenimo ilaa 5:00 subaxnimo, kaas oo bilaaban doona maalinta Jimcaha ee soo socota.

Si kastaba Tirada Guud ee dadka uu ku dhacay Caabuqa COVID ee laga xaqiijiyey dalka Kenya waxay haatan gaareen 28-qof, kuwaasi oo lagu karantiilay Xarun gooni ah.