Tirada Dadka Soomaalida Ugu Geeriyootay COVID-19 Dalka Sweden Oo Korodhay

0

In ka badan 7 ruux oo Soomaali ah ayaa dalka Sweden ugu geeriyooday Cudurka haliska ee Coronavirus, iyagoona kamid ahaa 30 ruux oo uu Cudurka ugu geeriyooday dalkaas xili uu ku dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Dadkaas Soomaalida ah ee u geeriyooday Coronavirus ayaa kunoolaa Magaalada Stockholm ee Caasimadda dalka Sweden.

Telefishinka Sweden ee SVT oo soo xiganaya ururka iskutaga dhaqaatiirta ayaa habeen hore baahiyay in lix ruux oo Soomaali ah Coronavirus ugu geeriyoodeen Sweden, waxaana haatan dhimashada dadka Soomaalida la sheegay inay gaartay 9 ruux.