Qofkii Ugu Horreeyay Oo Sacuudiga Ugu Dhintay Coronavirus

0

Sucuudiga wuxuu xaqiijiyay qofkii ugu horreeyay ee gudaha dalkaas ugu dhintay cudurka safmarka ah ee Corona.

Qofkan oo 51 jir ahaa ayaa markii hore kasoo safray dhinaca dalka Afqanistaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dowladda Sucuudiga.

Marka la eego dalalka ku yaalla Gacanka, Sucuudiga ayaa noqday dalka laga xaqiijiyay kiisaska ugu badan ee cudurka Corona, waxaa soo raacay Iiraan, Talaadadii oo kaliya waxaa la xaqiijiyay 205 qof ee uu ku dhacay cudurka, guud ahaan tirada waxay noqoneysaa 767 kiisas.

Waxay boqortooyada ku dhawaaqday tallaabooyin dhowr ah oo ay kamid tahay banddow xilligga habeenkii lagu soo rogay dalkaas kaas oo soconaya saddexda toddobaad ee nagu soo aadan si looga hortaggo faafitaanka Coronavirus.