Puntland Oo Dib Uga Laabatay Go’aankii Ay Ku Xidhay Masaajidda

0

Maamulka Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Deni ayaa dib uga laabtay Go’aankii maalin kahor ay ku xireen Masaajidda ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal iyo deegaanada kale ee maamulkaas.

Wasiirka Caddaalada, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo shalay soo saaray Amarka ah in la xiro dhammaan masaajidda Puntland muddo laba todobaad ayaa  waxaa uu shaaciyay in  Puntland ay Go’aankaas dib uga laabatay

Wasiir Cawil Sheekh Xaamuda oo kulan la qaatay Culimada ayaa waxaa uu sheegay in Go’aan lagu gaaray in dib loo furo Masaajida, hayeeshee la isla gartay in la xiro Musqulaha, si looga hortego faafida Cudurka Coronavirus.

Ugu dambeyntii Wasiirka Caddaalada, arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland ayaa si cad u sheegay in dhamaan Maasjidada ku yaalla deegaanada Puntland ay furnaan doonaan, balse markii la helo Kiiska COVID-19 la xiri doono.