In ka badan 1 bilyan oo qof oo bandow la geliyay dalka Hindiya

0

Dowlada India ayaa Talaadadi shalay qaadatay tallaabadi ugu adkeyd ee uu dal kula tacaalo cudur-sidaha Corono, kaddib marki ay bandoow gelisay dhamaan waddanka, kaasoo ku qasbaya in ka badan 1 bilyan iyo saddex boqol oo milyan oo qof in ay guryahooda joogaan muddo 21 maalin ah.

Go’aankan oo uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha India Narendra Modi ayaa dhaqan galay xalay saqdi dhexe xilliga India.Wuxuu ugu baaqay shacabka in aysan argagixin.

Dukaamada lagu iibiyo cuntada ayaa safaf dhaadheer loogu jiray guud ahaan wadanka, ka hor inta uusan bandowga dhaqangalin. In ka badan 500 oo kiis oo coronovirus ah ayaa laga diiwaangeliyay İndia.