Guddoomiye Deegaan Ka Tirsan Jubbaland Oo Qarax Lagu Dilay

0

Wararka aan  ka helayno deegaanka Raas-kaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Qarax ka dhacay lagu dilay Guddoomiyihii deegaankaas.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka aaso ah ayaa waxaa uu qabsaday gaari uu la socday Guddoomiyihii Raas-kaambooni Cabdullaahi Diiriye xili uu socdaal ku mararay duleedka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in qaraxaas uu ku dhintay Guddoomiye Cabdullaahi Diiriye oo muddo ku dhow sagaal sanno Guddoomiye ka ahaa deegaanka Raas-kaambooni oo Magaalada Kismaayo ka xiga dhanka koonfureed.