AKHRISO:-Wasaaradda Amniga oo war saxaafadeed cusub ka soo saartay Arrinta Sheekh Shariif

0

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo baxay waxay waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeymaha lagu xusay qoraalkii ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran, kaasoo lagu sheegay in hey’adaha Amniga ay abaabuleen weerar ka dhan ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

War saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Jowhar.com ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha haatan xilka haya iyo labadii Madaxweynayaal ka horeeyay ay dhammaantood amnigooda sugaan askar ka wada tursan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, sidaas darteed aysan suura gal aheyn warar haatan la faafinayo.

“Waxaanu adkeyneynaa in Madaxweynayaashi hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay yihiin Madaxweynayaal dalkaan ka soo samata bixiyay marxalada adah Qarankana ay ku leeyihiin tixgelin gaar ah amnigooduna uu yahay waajib Qaran oo ay u heellan yihiin ciidamada loo igmaday ilaalinta Madaxda Qaranka soo martay.

Goor sii horeysay qoraal uu bartiisa Facebook ku qoray Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa lagu tilmaamay waxba kama jiraan wararka sheegaya in Ciidamo dowladeed la dul dhigay hoyga Sheekh Shariif.

Sidoo kale qoraalo ay bartooda Facebook soo dhigeen waqtiyo isu dhow Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xildhibaan Axmed Fiqi ayay kaga digeen isku day Ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo ku weerari rabaan Hoyga Sheekh Shariif.