AKHRISO:- Madaxweynaha Galmudug oo la kulmey Guddiga qaban qaabada Caleema-saarka

0

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa kulan is xog wareysi ah la qaatay xubno ka mida ah Guddiga Qaban qaabada Caleema-saarka Madaxda Galmudug.

labada dhinac ayaa waxaa ay kulankooda uga wada hadleen sidii loogu diyaar garoobi lahaa munaasabadda caleema-saarka oo ku beegneyd 26-ka Bishaan balse sababo la xiriira Cudurka Coronavirus dib loogu dhigey.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariya ayaa kula dardaraarmey xubnaha guddiga inay ka Shaqeeyaan habka ugu wanaagsan oo ku dhici karto Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxda sare ee Galmudug.