Wasiirka amniga oo ka hadlay waxa ka jira in DF ay ciidamo dul dhigtay guriga Sheekh Shariif

0

Wasiirka amniga ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ciidamo duldhigtay guriga Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Wasiir Islow oo maanta ka hadlay arrintaas ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo la dul dhigay ama gaaf wareegay guriga madaxweynihii hore Shariif Sheekh oo uu sheegay in ka dowlad ahaan ay xushmad u hayaan.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur” ayuu yiri wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow.

Sidoo kale wasiir Islow ayaa sheegay in dadka mas’uuliyiinta ah uu ugu baaqayo in ay joojiyaan wararka been abuurka ah ee ay faafinayaan, kuwaas oo uu sheegay in abuuri karaan fidno iyo amni darro.