DHAGEYSO:-Wasiirka caafimaadka ee DDS ayaa sheegay inay hayaan qof Looga shikiyay caabuqa corona virus

0

Waxaa maanta shir jaraa,id si wada jir ah u qabtay Wasiirka Warfaafinta Dawlad deegaanka Soomaalida iyo  Wasiirka Caafimaadka DDS oo goordhowayd Warbaahinta kula hadlay magaalada Jigjiga  ayaa ka hadlay Halista  Cudurka Corona Virus ee saameeyay dunida.

Wasiirka  Warfaafinta Xabiib Xaaji Muxumed ayaa sheegay inay warbaahintudoor muuqda ka qaataan sidii bulshada looga wacyi galin lahaa faafida cudurkaa Corona Virus, Islamarkaana ay baahiyaan warar xaqiiqda ku salaysan oo aan la siyaasadeyn wararka la xidhiidha cudurkaan.

Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dr Yuusuf Maxamed ayaa isna dhankiisa sheegay in Xafiiska Caafimaadka diyaar garoow xoogan ka galay halista cudurkaan, waxa uuna sheegay in si buuxda guud ahaan deegaanka uga wadaan wacyigalino la xidhiidha sidii Bulshada ugu digtoonaan lahaayeen Cudurka si looga hortago faafida Corona Virus.

Wasiirka ayaa sido kale Shirkiisa jaraa,id ku sheegay in baadhitaan ku socdo Gabadh uu sheegay in looga shakiyay cudurka Corona Virus taas oo laga soo qabtay Jaamacada jig jiga, islamarkaana jawaabteeda ay ka war dhowrayaan, waxa uuna Bulshada deegaanka ugu baaqay inay ku dadaalaan wacyigalinta faraxalka oo qayb wayn ka qaadan kara faya dhowrka caafimaadka Bulshada.