AKHRISO:- Xubno kasoo horjeeday doorashadii Galmudug oo gaarey Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa gaaray safiirkii hore ee Soomaaliya ee Itoobiya Axmed Cabdisalan Xaaji Aadan oo uu kamid yahay Siyaasiga Kamaal Guutaale oo kamid ahaa musharixiintii xilka madaxwaynaha Galmudug ee doorashadii dhawaan kadhacday Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey Xubno uu kamid yahay Gudoomiyaha Caasimada Dhuusamareeb Cabdirahman Geeda Qorow, gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo siyaasada Cabdi Xaashi Aroole iyo Xubno kale.

Siyaasiga Kamaal Guutaale oo kamid ahaa musharixiintii xilka madaxwaynaha Galmudug ayaa kamid ahaa dadka sida weyn u diidanaa doorashadii ka dhacdey Dhuusamareeb walow markii dambe uu aqbaley.

Xubnaha wafdiga Dhuusamareeb gaarey ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay wada-hadalo la yeeshaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor),iyaga oo kala hadli doona arrimaha Galmudug.