AKHRISO:- Wasiirka Amniga oo beeniyey in Sheekh Shariif Ciidamo la dul-dhigey

0

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo dul-dhigtey Hoyga Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wasiir Amniga oo la kulmey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin Ciidamo weerar ku ah Sheekh Shariif,isla markaana ay warkaasi wadaan dad u jeedo gaar ah leh oo fidno iyo colaad abuurayo sida uu hadalka u dhigey.

“Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur ayuu yiri” Wasiirka Amniga.

Sidoo kale wasiir Ducaale waxaa uu ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.

Hadalkaan beeninta ah ee kasoo yeeray Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa yimid,kadib markii Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Ciidamo dul-dhigey Hoyga Sheekh Shariif,isla markaana ay tahay dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan.