AKHRISO:- Jubbaland oo soo saartey go’aano looga hortagayo Caabuqa Coronavirus

0

Guddiga heer dowlad goboleed ee loo xilsaarey ka horataga Caabuqa Coronavirus ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay soo saareen go’aano dhowr ah oo looga hortagayo Cudurkaas oo dad badan ay u dhinteen.

Guddigaan oo Heer Wasiiro ah ayaa waxaa ay soo saareen Lix qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin in la fasaxay labada todobaad Goobaha Waxbaraashada, in la joojiyey isku imaatinka in la xiro Masaajida qeybta dadka ay ku weesa qaataan, in la yareeyo dhaq dhaqaaqa xaduudaha deegaannada Dowlad Goboleeka Jubbaland iyo qodobo kale.