AKHRISO:- Abiy Ahmed oo sheegay inay xireen xuduudaha ay la wadaagaan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in la xiray dhammaan Xuduudaha ay Ethiopia la leedahay dalalka deriska oo ay Somalia ku jirto, si looga hortago Faafista Caabuqa Koronafayriska ee COVID19.

Waxaa uu ku amray Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ENDF inay joojiyaan dhaq dhaqaaqyadda Dadka ee dhamaan Xuduudaha, marka laga reebo soo gelitaanka Badeecadaha daruuriga ee looga baahan yahay gudaha Ethiopia.

Abiy Ahmed ayaa ku booriyey Waaxda Ammaanka ee dalkaasi inay bilaabaan Tallaabooyin lagu xoojinayo Amarka dowladda ee lagu joojinayo Isku-soo-baxyadda waa weyn iyo khilaafyada bulshada.

Dhinaca kale, waxa uu ugu baaqay Hay’addaha Dowladda oo ay ku jiraan Xisbiyadda Siyaasadda inay u hoggaansamaan amarada iyo inay qaadaan Tallaabooyin ka hortag marka ay kulan yeelanayaan.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha Ethiopia ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo 19-kiisaska Caabuqa COVID 19 laga helay gudaha Ethiopia.

Ma cadda muddada uu xirnaan doono Xuduudka Ethiopia iyo inay saamayn ku yeelan doonto Xiriirka Ganacsiga ee Ethiopia iyo dalalka deriska iyo Ciiddanka Ethiopianka ee ka soo gudba xuduudka Somalia.

Ethiopia waxay Xuduudo furan la leedahay dalalka, Kenya, Sudan Somalia, Jabuuti iyo Eritrea, waxaana qaar ka mid ah dalalkaas laga soo wariyay in laga helay tiro kooban ee Kiisaska Coronavirus.