Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Degmada Afmadow waxa uu halkaa ka bilaabay abaabul ciidan iyo kulamo uu la qaadanayo saraakiisha Daraawiishta, maamulka Degmada iyo Odoyaasha dhaqanka.
Axmed Madoobe ayaa kulamada waxa uu ugu golleeyahay sidii uu abaabul ciidan uu ugu bilaabi lahaa Degmada Afmadow oo muhiim u ah howlgalka uu ku dhawaaqay, isla markaana ay damacsan yihiin in ay ku qabsadaan Degmada Bu’aale oo ah Xarunta Gobolka Jubada Dhexe iyo Caasimadda Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.