DAAWO:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku tilmaamay Xaaraan wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku tilmaamay wax aan sharci ahayn oo aan xaaraan ah wadahadalada la qorsheynayo inay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Cabdirashiid Yuusuf Jibiil Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ka hadlayay maanta kulanka ka furmay magaalada Garowe ayaa sheegay in aysan aqbalayn in wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay dhacaan iyadoo aysan Puntland ka qeybgalin.

“Wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa maamulka Somaliland. Wadahadalladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalka samayestaba waxaan u arkaa inaanay sax ahayn xaaraanna yihiin.”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

“Waana sababeynayaa Soomaaliya hadda halka lagu wado waxaa la rabaa oo wadahadallaasi ay rabaan in loo dhigo in Koonfur iyo Waqooyi wax loo wada qaybsado, Puntland xaggey markaa ku dambeyneysaa waa iney ka baxdaa marka qarriiradda taana yeeli meyno” ayuu sii raaciyay.