AKHRISO:- Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Oo Magacaabay Mas’uul Cusub

0

Gudeoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Guddoomiye ku-xigeen Arrimo Bulsho u Magacaabay deegaanka Jalaane ee hoostaga Degmada Marka.

Maxamed Faynuus Bood ayaa loo Magacaabay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee deegaanka Janaale ee Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Ibraahim Najax ayaa waxaa lagu sheegay in xilka Gudoomiye ku-xigeenka Janaale uu ku yimid soo jeedinta Maamulka Magaalada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.