AKHRISO:- Ammaanka Kismaayo oo si weyn loo adkeeyay iyo baarlamaanka Jubbaland oo Shiraya

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta furaya kalafadhiga baarlamaanka maamulka Jubbaland, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeedin doona Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ku jiray Fasax.

Furitaanka kalfadhiga ayaa kusoo beegmaya xilli dhibaatooyin dhanka Amniga ay ku jiraan degaanada maamulka Jubaland, islamarkaana ay dagaallamayaan Ciidanka Jubbaland iyo kuwa dowladda ee ku sugan Gedo.