Wasiirka Gaadiidka , Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa Fariin Cajiib ah u diray Madaxwaynaha Doorashadiisu Muranka dhalisay ee Jubbaland Axmed Maxamed islaam [Madoobe].
Wasiir Oomaar ayaa kula taliyey inaanu Gacantiisa ku Burburin maamulkii uu dhismihiisa Qaybta ka ahaa, Wuxuuna sheegay inay Doorashadii uu isku Caleemosaaray ay ku garab siiyeen dad wata dano gaar ah, Islamarkaana ay kamid yihiin dad Qurbaha kusoo shaqo Beellay.
“Kuwii kugula taliyay doorasho ha ogolaan, ku shubo sidii aad horay ugu shuban jirtay ka dibna waa la iska heshiin, kuwii is caleema saarka dantooda oo ay ka dhex arkeen kuugu yimaadeen, kuwii rabay inaad dhulka dowladda un siiso, kuwa qurbaha shaqo la’aan oga soo cararay haddana dantroda oo kaliya eegaya ayaa dhamaan waxay kugu caawiyeen inaad dumiso waxii aad wax ka soo dhistay.” Ayuu yidhi Wasiir Oomaar.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa kasoo Horjeestay Doorashooyinkiii Kismaayo ka dhacay iyo Saddexdii Madaxwayne ee halkaasi lagu doortay, Waxaana sidoo kale ay Dawladdu hada Howlgalo ka wadaa Qaybo kamid ah deegaanada Jubbaland, Gaar ahaan Gobolka Gedo, iyadoo maalintii shalay uu dagaal dhexmaray Wasiirkii Amniga Jubbaland Maleeshiyaad daacad u ah iyo Ciidamada Xooga dalka oo ka saaray magaalada Beledxaawo.