Madaxweynaha Koofur Galbeed oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed  mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilalkii ka qaadey qaar kamid ah golihiisa Wasiirada,isaga oo kuwa Cusub Magacaabay.

Wareegto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa xilkii looga qaadey Wasiirkii Waxbarashada C/raxmaan Cusmaan Malaaq,Wasiirka Shaqada & Shaqaaaha Feysal Cabdullaahi Cali iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jabriil Maxamuud Aadan.

Dhinaca kale Madaxwyene laftagareen ayaa xilka Wasiirka Waxbarashada u Magacaabay Maxamed Yuusuf Xasan, Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha, Cabdulqaadir Cumar C/llaahi halka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada loo Magacaabay Cabdi fitaax Isaaq Maxamed sida uu warbaahinta u akhriyay agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda dowlad goboleedka koofur galbeed Maxamed Cali Ibraahin.