Kenya oo sheegtay in Al-Shabaab ay afduub ka geysteen Gaarisa

0

Saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalamayaasha  Al-Shabaab ay wiil dhalinyaro ah oo la dhashay mas’uul ka tirsan dowladda ay Jimcihii la soo dhaafay ka soo afduubteen magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi

Saraakiisha laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in wiilkaasi oo lagu magacaabo Daa’uud Bashiir Guure  ay Al-shabaab  kala baxeen hoygiisa.

Afhayeen u hadlay booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan ay afduubteen Daa’uud, kuwaasi oo tiradooda gaaraysa 20 Qof.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay  ku darayaan in Daa’uud Guure lala soo aaday gudaha Soomaaliya

Hayeeshee booliska dalka Kenya ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in ay ku raad joogaan kooxihii afduubka u geystay Daa’uud Bashiir Guure.

Al-Shabaab ayaa kordhay afduubka iyo weerarada ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.