Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo go’aan gaaray

0

Guddiga Joogtada ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland go’aan ka gaaray khilaaf ka dhashay qofka noqonaya Kusimaha Madaxweynaha Puntland haddii Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa ay dalka ka maqnaadaan.

Khilaafkan ayaa waxaa uu u dhexeyay golaha sharci dejinta iyo golaha fulinta iyadoo mid walba uu sheeganayay in uu leeyahay kusimaha Madaxweynaha.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Puntland ayaa kulankooda kadib waxa ay soo saareen go’aanka cidda noqoneysa ku simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland marka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay maqan yihiin.

Go’aanka ka soo baxay Guddiga ayaa u qornaa sidan;-

MARKUU ARKAY:- Dastuurka Puntland Qodobada 2aad, 56aad, 81aad , 83aad iyo 132aad.

MARKUU ARKAY:- Xeerka Hab-maamuuska Puntland ee Xeer Lr.5 ee 08/09/2005.

MARKUU ARKAY:- Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada qodobka 8-aad farqadiisa 18-aad.

MARKUU TIX-GELIYEY:-Go’aankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL Fadhigiisii 8-aad ee 23/02/2020.

WUXUU GUDDOOMIYEY:-

In Hannaanka Puntland uu yahay Baarlamaani, waxayna Golaha Wakiilladu awoodda Dastuurku siiyey ku doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.
2.Ma jiro Dastuur iyo Xeer jideynaya in labada mas’uul isku mar ka wada maqnaadaan dalka.

3.Sababkasta ha ku timaadee haddii ay labada mas’uul ay la soo gudboonaato arrinta ku xusan qodobka 2-aad waxay awoodda kusimaha Madaxweynuhu ku wareegaysaa Guddoonka Golaha Wakiillada sida ku cad qodobada Dastuurka & Xeerarka kor ku xusan.

4.Golaha Wasiiradu waxay xaq u leeyihiin in ay ka shiraan hawlaha ay u xilsaaran tahay Xukuummadu.