Golaha Wasiiradda Puntland iyo Baarlamaanka Puntland oo khilaafkooda meel sare gaaray

0

Baarlamaanka Maamul Goboleedka Putnland ayaa maanta kulan deg-deg ah waxa uu ku yeelanayaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Kulankan ayaa waxaa loogaga hadlayaa cidda noqoneysa ku-simaha madaxweynaha Puntland, marka isaga iyo madaxweyne ku xigeenkiisu ay dalka ka wada-maqan yihiin.

Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadd, ayaa isku khilaafsan cidda noqonaysa ku-simaha madaxweynaha, marka ay maqan yihiin madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Kulanka diirada lagu saarayo haddii labadaasi mas’uul maqan yihiin ay awooddu u laabanayso Guddoonka Baarlamanka iyo inkale.

Golaha Wasiirada ayaa ku dooday in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa haddii ay maqan yihiin in uu sii haynayo xilka Madaxweynaha Wasiirka Caddaaladda, islamarkaana aysan wax door ah ku lahayn Golaha Baarlamaanka..

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu soo laabto Puntland kadib booqasho uu ku tegey dalka Jabuuti.