DHAGEYSO:-Duqa Muqdisho” Waa isku mid adeega sarifka lacagaha qalaad ee Forex iyo Al-Shabaab

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa  waxaa uu si kulul markale ugu hadlay isticmaalka adeegga safirka lacagaha qaad ee  (Forex).

Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu sheegay in Forex ay ula mid tahay Al-Shabaab oo kale, islamarkaana maamulka Gobolka Banaadir aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in ay waajib tahay in maamulka gobolka uu arintan markasto ka hadlo.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uu xusay in adeega Forex uu halis ba’an  ku yahay shacabka  Soomaaliyeed, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dadka ku lugta leh ama lacagaha gashtay ay ka fogaadaan, si aanu u gaarin dhibaato dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay.