DAAWO:-Hogaamiyaha Jubbaland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dhoobley

0

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Boqolaal dadweyne ah Masuuliyiin kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhawaysay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley.

Axmed madoobe oo ay wehelinayaan sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka  ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagan ka howlgala.

Hogaamiyaha ayaa sidoo kale intu Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka.