DAAWO:-Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo 30 sano ka dib gurigiisa dib ugu wareejiyay mawaadin Soomaaliyeed

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa 30-Sano kadib muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cali Xasan ku wareejiyay guri uu wakiil uga ahaa Muwaadin Cabdala Cabdiraxmaan Alboosi oo si sharcidara ah hantidiisa looga heystay.

Wareejinta gurigaan kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho oo weheliyaan xubno ka mid ah Maamulka gobolka Banaadir iyo taliyaha ciidamada Booliska degmada Xamar Jajab ayaa booqday qeybaha uu ka kooban yahay gurigan oo ay ka muuqdeen burbur iyo dayac xoogan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) Waxuu sheegay in uusan aqbali dooni in qof hantidiisa si sharcidara ah lagu heesto.

“Marnaba ma aqbali doono in qof muwaadin ah hantidiisa sharcidara lagu heesto waxaana ugu baaqaya qofkaste oo hantidiisa ama gurigiisa sharcidara lagu heesto in uu nala soo xariiro si aan xaquuqdiisa ugu soo dhicino, sidoo kale waxaan digniin adag u diraaya cidkaste oo dagan guri aysan laheyn ama xoog ku heesta hanti uusan laheyn in uu dib isaga wareeji hadii kale sharciga ayaan la tiigsan doona”.

Wakiil Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay cidkaste oo qeyb ka qaadatay in si cadaalad ah ay dib ugu helaan gurigoodi oo muda fog gacantooda uga maqnaa sifa sharcidara ah.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in si nabadgalya ah oo cadaalad kujirta naloogu wareejiyay gurigeynii oo muda 30-sano ah gacanteena ka maqnaa waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho sida Soomalinimada leh oo uu noogu garnb ab istaagay inaan dib u helo hantideeni mudada fog inaga maqneyd”.