Cudurka Corono Virus oo gaaray dalal ku yaal Bariga Dhexe

0

Cudurka Coronovirus ayaa gaaray dalal ay ka mid yihiin Kuwait, Bahrain, Afghanistan, Iraq iyo Oman sida ay shaaciyeen dowladahaas.

Dalka Kuwait ayaa waxaa laga helay saddex ruux cudurkan,dalka Cummaana labo ruux halka dalalka Baxreyn iyo Ciraq min hal qof uu ku dhacay cudurkan Coronovirus.

Tirada dadkan laga helay wadamada Bariga dhexe ayaa waxa ay ka dhigeysaa illaa 19 ruux dadka laga helay cudurkan.

Dalalka Turkiga,Pakistan iyo Armenia ayaa xirey xadka ay la wadaagaan dalka Iran kadib markii 43 ruux laga helay cudurkan ayna u dhinteen 12 kale.

Dalka Talyaaniga ayaa illaa 152 ruux laga helay cudurka Coronovirus iyadoo lix ruuxna ay u dhinteen,taasina waxa ay sababtay in wadamada qaarada Yurub ay ku dhowaaqaan xaalado deg-deg ah.

Dowlada Talyaaniga ayaa joojiyay tartankii ciyaaraha heerka koowaad ee Seire Ada iyadoo laga cabsi qabo in uu cudurkan dad badan uu ku dhaco.

Shiinaha oo cudurkan ka bilowday ayaa illaa 150 shalay waxaa ugu geeriyootay illaa 150 ruux,waxayna gaartey tirada dhimashada 2,592 ruux iyadoo 77,150 ruux uu hayo cudurkan.

Dalka Koofurta Kuuriya ayaa waxaa laga helay cudurkan dad gaaraya 833 halka toddobo ruux ay u dhinteen.