AKHRISO:- Weerar ka dhacay Boosaaso & Howlgal ka socda

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,kaas oo dadka ku nool Magaaladaas ay siweyn u dareemeen.

Weerarkaan ayaa yimid,kadib markii mid kamid ah Koontoroolada laga soo galo Magaalada Boosaaso lagu qaadey weerar Bambaano,waxaana gobjoogayaal ay sheegeen in weerarkaas ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Pntland.

Weerarkaas Bambaano ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay ururka Al-Shabaab,iyaga oo sheegay inay bambaano ku weerareen Koontoroolka ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntland,waxaana la sheegay in raggii weerarkaasi fuliyey ay goobta ka baxsadeen.

Wararka aan saaka ka heleyno Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegayan in xalay ilaa saaka Ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey weerarkaasi Bambaano.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka deegaannada Puntland ugu amniga xun,waxaana mararka qaar ka dhacay weeraro Bambaano iyo toogasho loo geysto askarta Ciidamada Puntland.