AKHRISO:- Wasiir Caadle”Hir-Shabeelle waxa ay awoodi weysay inay Ammaanka wax ka qabato”

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa sheegay in deegaannada Maamulkaas dadka ku nool ay heystaan dhibaatooyin kala duwan oo u baahan in wax laga qabto.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Maamulka Hir-Shabeelle culyeska ugu daran ee ka jira uu yahay Amniga,isla markaana la awoodi waayay in dadka qaarkood la gaarsiiyo deeqaha mucaawinada ah ee loogu talo galay.

“Deegaannada Hir-Shabeelle Cadaw ayuu gacanta ugu jiraa,dhibaatadu waa dhibaato dhaaftay,xataa waxaa la awoodi la’yahay in dadka la gaarsiiyo mucaawino,dadka qaar waxaa ay isleeyihiin xilligii Hir-Shabeelle la dhisayay amaanka wuu fiicnaa laakin waxaan idin sheegayaa in dadaal yari xageyna ah aysan aheyn ayuu yiri”Wasiir Caadle.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle in dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ee ka howlgallayay Gobolka Shabeelaha hoose culeys ay kala kulmeen dowladda aawgood ay u soo wareegeen dhinaca deegaannada hir-Shabeelle dhibaatada ugu darana ay haatan ku hayaan dadka deegaannada Maamulkaas.