Xarun kale oo ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ka furatay Muqdisho

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga kajaray xarunta labaad (2-aad) ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya oo laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis.

Xaruntan cusub ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada ee la daahfuray ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada ku dhaqan Caasimadda gaar ahaan kuwo ku sugan 8-Degmo oo katirsan Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo uu soo saaray maamulka Gobolka ayuu ku sheegay in Xaruntan loogu adeegi doono shacabka ku dhaqan Degmooyinka kala ah Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Hiliwaa,Shangaani iyo Xamar Weyne.