Wafdi Ka Socda Guddiga Doorashooyinka Oo Gaaray Jowhar

0

Wafdi ka socdo Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) oo ay hogaaminayso Kumishineer Khadiija Cosoble Ali ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa kumishineero, lataliyayaal, agaasimayaal iyo hawl wadeeno. Ujeedada socdaalkaan ayaa ku qotonto wacyigelin iyo wadatashiyo la xariira arimaha doorashooyinka ee la filayo inay dhacaan dhamaadka sanadkaan iyo billawga sanadka soo socda.

Guddiga ayaa go’aamiyay in wacyigalin iyo warsiin laxariirta arimaha doorashooyinka lagaarsiiyo muwaadiniinta soomaaliyeed ee kunool Dalka gudihiisa.

Sidoo kale Guddiga ayaa socdaalo khuseeya howlahaan wacyigalinta horay ugu tagay Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, hadana waxa uu Guddigu soogaray Magaalada Jowhar si qaybaha kala duwan ee Bulshada loogu wacyigaliyo muhiimada doorashada iyo wixii u qabsoomay Guddiga inta uu howlahaan ku guda jiray.