Turkiga oo shaaciyey Heshiis 5-Sanno ah oo lagu Sahaminayo Khayraadka Soomaliya

0

Dowladda Turkiga oo xidhiidh dhow la leh Soomaaliya waxa ay dadaal dheeraad ah gelineysaa sidii loo baari lahaa Shidaalka, Gaaska iyo Macdanta, si ay wadajir ugu sahmiyaan muhiimadda Tamarta Dalka.

Xogta Warkaan oo uu qoray Website-ka Nordic Monitor oo ay leedahay Shabakadda Cilmi-baarista iyo la-socodka ee Nordic Research and Monitoring Nerwork oo xarunteedu tahay Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden.

Waxa uu soo bandhigay Warbixin la xiriirta heshiis is faham ah oo ay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga sanadkii 2016-kii oo ku saabsanaa iskaashi buuxa oo ay ka yeeshaan Tamarta iyo Macdanta.

Guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Turkiga ayaa meel-mariyay heshiiskaasi todobaad kadib markii Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan soo saaray qoraal 19-kii Janaayo, uu ku muujinayo in DFS ay ku marti-gelisay in ay baaritaana iyo qodista Ceelasha Shidaalka ka bilaabaan Xeebaha ka baxsan Biyaha Soomaaliya.

Nordic Monitor waxa ay soo bandhigtay Caddeemo qoraal oo ay kamid ahaa heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya oo ay akareen, waxaana kamid ah, Mashaariicda Sahminta oo ah howsha ugu  horeyso, Soo saarista iyo Sifeynta Gaaska Dabiiciga, Keydintiisa, qaadistiisa si Suuq loogu helo iyo meelaha lagu ilaalinayo.

Heshiiska dhacay sanadkii 2016-kii, waxa uu qodobkiisa 1-aad ee is fahamka Turkiga iyo Soomaaliya, waxa uu dhigayay in la aas-aaso iskaashi wax ku ool ah iyo in la dejiyo qodobada xoojinaya iskaashiga labada dal ee Arrimaha Macadanta iyo Tamarta, si ay ula socdaan horumarinta iyo dhiiri-gelinta qaybaha Gaaska, Batroolka, Korontada, Macdanta iyo waxyaabaha kala ee la xiriira.

Rajab Dayib Erdogan Madaxweynaha Turkiga, bishii janaayo sanadkaan 2020 waxa sheegay in codsi ku saabsan in Turkiga uu sameeyo baaris badda Soomaaliya uu ka helay Soomaaliya, balse waxaa gaashaanka ku dhufatay Dowladda Federaalka Soomaaliya beenisay in ay dalabkaas lahayd.

Website-ka Nordic Monitor ee qoray xogta sheekada Warkaan, waxaa kale oo uu daabacay in Madaxweyne Erdogan hadalkaan uu u sheegay Suxufiyiin la saarneed Diyaaradda gaarka ah ee Madaxtooyada Turkiga oo uu u qaatay safar uu ku tagay Jarmalka, kadib markii lagu casuumay Shirkii Berlin ka dhacay ee looga hadlayay Xaaladda Liibiya.

Hadalka Madaxweynaha Turkiga oo daahsoonaa, waxa uu soo shaacbaxay kadib markii XIldhibaanada BFS ay Ansixiyeen Sharciga cusub ee Shidaalka Soomaaliya, si hab sharci oo taageeraya Danaha Maalgashiga ee Sahminta Shidaalka ee waa weyn loogu bixiyo.

Xisbiga Talada Turkiga ahya ee Caddaalada iyo Horumarka loona soo gaabiyo (AK Party) waxa ay si deg deg ah uga ugu ansixiyeen Baarlamaanka heshiiska Iskaashiga Tamarta ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Heshiiska Is fahamka Turkiga iyo Soomaaliya waxaa lagu saxiiay Magaalada Muqdisho 3-dii June sanadkii 2016-kii, waxa ay ku beegan tahay waqtigii Madaxweynaha Erdogan uu safarka ku yimid Soomaaliya.

Heshiiska oo ka kooban 12 qoddob, waxa uu dhigayaa in Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga iyo Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya in ay dhamaystiri doonaan Heshiiskaasi oo muddo howleedkiisu ku siman yahay Muddo 5-sano ah, lana Cusboooneysin karo hadii labada Dowladood iskau afgartaan.

Sidoo kale, Heshiiska waxa kale oo uu qeexayaa haddii uu hal dhinac go’aansado in uu heshiiska ka baxo in loo baahan yahay in uu dhinac kale ku wargeliyo ugu yaraan 6-bilood ka hor Go’aanka Ka bixitaanka Heshiiskaasi si dhanka kale uu ula socdo.