QORMO:- LABADII NIN EE BUKAY OO FARMAAJO U DIIDAN IN UU TAGO HARGAYSA IYAGUNA TAGI WAAYAY MARKAY TALO HAYEEN!

0
Waxaa jiray in Gumaystaha saan cadaalaha ahaa uu dalkeena u kala qaybiyay shan qaybood,1884 magaalada baarliin. Dadka lakala qaybiyay ayaa ahaa isku diin,isku isir,isku dad,isku diir,isku dal,isku af, kuwaas oo aysan jirin sabab keeni karta in lakala qaybiyo,kuwaas oo kala qaybintaas aan waxba laga waydiin xiligaas.
Nasiib wanaag iyo halgan dheer kadib waxaa xoroobay oo israacay laba qaybood oo shantii kamid ah lakala qaybiyay,waa goboladii waqooyi iyo koonfur oo waqooyinka INGIRIIS QAYB U HELAY halka koonfurna uu QAYB U HELAY TALYAANI xoroobidaas oo ay israaceen 1960kii maadaama kolkii horaba ay hal ahaayeen balse si xoog ah isticmaarsi ukala gooyay.Soomaalidu waligeedba khiyaar iskeed ah iyo doonitaan iyaga kayimid kuma kala go in abid taariikhda.
Soomaaliya dawladihii soomaray,waxay lahaayeen wanaag farabadan iyo xumaan intaba ay ka dhaxleen shacabka soomaaliyeed. maamul ama dawlad xun,waxaa looga bogsadaa in la dhiso maamul iyo dawlad wanaagsan tana waxaa lagu helaa khibrad wadaniyad iyo u bislaasho dawladnimo. hadaynu soomaali nahay nidaamka dawliga ah ayaa inagu cusub oo aynaan umad ahaan wali ubislaan markaad dheehato taariikhdeena.
Intabadana waxaa dadkeena soomaaliyeed la haray, in aynaan ka guurin habdhaqameedka filka weyn ee soo jireen ka ah ee bulshadeenu ku dhisantahay ee ah qaabka qabiilka.dhaqato raacata ah oo reer guuraa ah  oo ku nool dhul quruxbadan oo qani ah oo aad u balaaran ayaynu ahayn qarniyaalo.Markaa waxaa wali inagu adag in qofka soomaaliga ahi ka guuro qabiil oo uu aamino nidaamka dawliga ah kuna kalsoonaado soomaalinimadiisa halka uu kalsoonida siinaayo qabiilkiisa.
Qofkastoo soomaaliyeed waa in uu dareemaa oo laabta gashadaa kuna dhaataa soomaalinimada iyo dalkiisa soomaaliya,waxaan waxba tarayn wixii intaa kasoo haray ee ah beelo iyo jifooyin soomaaliyeed oo ninba meel dagan yahay. waa in aan bislaanaa kana guuraa qabiilka oo qaadanaa  soomaalinimada iyo dawladnimada inagu filan.
Kulanka labada walaalaha ah ee midna yahay madaxweynihii umada soomaaliyeed midna yahay madaxweynihii soomaaliland waa Farmaajo iyo Muuse ay ku kulmeen Ethiopia waa mid ay ku farxeen wax garadka iyo wadaniyiinta soomaaliyeed ee ay lexlo jecladu ka hayso soomaaliya oo marlabaad ku istaagta lugaheeda oo dawlad ah heshiisa iyagoo soomaali ahna oo wada jira dalkooda hodanka ah ilaashada iyo aayaha ubadkooda soomaaliyeed.kulankaa in yar mooyee shacabka soomaaliyaad labada dhanba waa soo dhaweeyeen 100%.
Waxaa dhanka kale kulankaa walaalaha ka naxay cadawga gudaha iyo cadawga shisheeye ee aan doonahay daa in abidkood soomaali dib danbe u hesha dawladnimo soomaalinimo iyo in dadka soomaaliyeed heshiiyaan dantooda gartaan aduunkana la jaan qaadaan.
Waxaase jirta in kulanka walaalaha aan cidina wali ogayn waxay kuwada hadleen ninkiise danbaabayaa waa yeelkadii,waxaase dadka wanaaga jecel ay u arkaan khayr iyo wanaag ubilawday walaalaha soomaaliyeed. waxaana mid lasoo dhawaynaayo oo ah barbilaw aad u heersareeya nin ragihi rajeeyo doqona aan looba sheegin.
Walaalkeen madaxweyne Muuse Biixi ilaahay khayr hasiiyo xaqa iyo wanaagana hatuso,isaga wali kulankii kadib hadal kama hayno la xiriira arinkaa,mana aha mid indheer garadka iyo wadaniga soomaaliyeed hada uu isga uuga fadhiyo,maxaayeelay waan sugaynaa akhyaar kulantay intay naga siinayaan warbixin xiligay doonto ha qaadatee waasidaa xaqa iyo cagliguba. hawl qabya ah sheeg sheeg uma baahna iyo xasarad,mana aha in madaxda lagu dirqiyo waxaad ogtahay noo sheeg si aan kuu dhibaateeyo! haday sidaa tahayna waxaa ka fiican AFDABOOLAN DAHAB.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan shacabka iyo dawlada soomaaliya wuxuu garawshiiyo ka bixiyay dhibkii dhacay ee ay dawlidii soomaaliyeed ee xiligaas 1988 u gaysatay dadka SOOMAALILAND gaar ahaan magaalada HARGAYSA. Gob ayaa Gob raali galisa Gob ayaana Gob ka gudoonta raali galintaas. Madaxweynuhu wuxuu muujiyay kalsooni iyo isu soo dhawayn in labada dhinac wada hadlaan waana ku mahad sanyahay arinkaa isaga ah. Run ahaan Madaxweynaha Soomaaliya farmaajo waa nin qalbi fiican dadkiisana jecel daacadna ah walina nolashayda ma arag nin madax soomaaliyed ah oo noocaan ah.
Hadii laysu garaabo,waxii dhacay si dhab ah looga wada hadlo wax laysu qiro waxaa hubaal ah in markaa si sharaf ah laysu raaco ama si sharaf ah loo kala tago. dhibku waa hadii lawaayo wax isu garaaba. hadaba madaxweynaha farmaajo khayr allaah hasiiyo waa soo dhaweynaynaa kana gudoomaynaa hadalkaa odaynimo iyo samo katalisnimada ah waana sida isalaamku qabo.
waxaan wadaniga soomaaliyeed xasuusinayaa in layska jiro cadawga gudaha ee diidan soomaaliya oo heshiisa iyo midka banaanka ee shisheeye. waxaan umada soomaaliyeed u rajaynayaa in ay helaan dawladnimo nabad iyo xasilooni kadibna ay dalkoodan hodanka ah uugu raaxaystaan iyaga iyo caruurtooduba. waxaana illaahay ka baryaynaa in uu quluubta walaalaha soomaaliyeed isu soo dhaweeyo oo isku xiro oo lays cafiyo.wada hadaladuna noqdaan kuwo mira dhala oo loo aayo. waxaan ku ogahay walaaladay soomaaliland dad fakara oo soomaali ah oo leh caqli sare sababna u ahaa dib u midawgii somaaliya gumasytaha kadib.
Nacabka ama ninka uurka ka hiqleeyay laba walaalo ah oo kulantay oo dantooda kawada hadlay goortuu ogaaday maxaad u malayn haduu maqlo walaalihii waa israaceen!!?
SHABAKADA MAAFIYADA CAALAMIGA AH DADKA QAARNA U YAQAAN MUCAARAD.
Shabakadan oo xubno kamid ahi ay dalka ka soo noqdeen madaxweynayaal iyo taliyayaal nabad sugida qaranka soomaaliyeed ayaa iska dhiga mucaarad iyagoo ka fog nidaamka dawlad loo mucaarado! dadka soomaaliyeed oo ka dharagsan shaqada ay hayaan iyo waxa ay yihiin,ayaa dib u xasuusta in ay inbadan idaacadaha iyo shacabka soomaaliyeed la hortaagnaayeen dawlada hada jirta iyo madaxweyne Farmaajo wuxuu diiday oo joojiyay wada hadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland! hayeeshee iyagu waa kuwii khiyaamay soomaaliland siina kala fogeeyay umada soomaaliyeed sida ku cad taariikhda.
Waxaana xusidmudan oo lawada ogsoon yahay,tan iyo burburkii dalkeena laga soobilaabo 1990 xiligaa ilaa maanta madaxdii ina soo martay ay kamid ahaayeen,Madaxweyne Cali mahdi,Madaxweyne Abdiqaasim salaad,Madaxweyne Abdullahi yusuf,Madaxweyne shariif,Madaxweyne Xasan sheekh,Madaxweyne Farmaajo.Aadamaha waxyaabaha uu naarta ku mutaysto waxaa uugu badan xaqiirnimada iyo xaasidnimada sidaa daraadeed libadaa madaxweyne ee dalkeena soomaray marka laga hadlaayo soomaaliya iyo soomaaliland xal u helideeda iyo guud ahaan dalkeena soomaaliya xalintiisa iyo dawlad ku soo dabaalidiisa,Marka laga reebo Madaxweyne Farmaajo majiro Madaxweyne u soo istaagay fagaare oo Raaligalin buuxa si cad usiiyay Soomaaliland mana soo maarin taariikhda nin uuga daacadsan wanaagooda iyo qadiyadooda soomaaliland.
 
Xumaan iyo xasad heer ay ka gaareen kuwii shalay aan ognahay,waxay sameeyeen markay xukunka hayeen ee ay ahaayeen madaxweynayaal marka laga hadlaayo qadiyada soomaaliland iyo isu keenka umada soomaaliyeed,ayaa maanta xag xaganaaya markay ogaadeen wanaaga dhexmaray labada nin ee soomaaliyeed madaxweyne farmaajo iyo madaxweyne muuse biixi oo ah rag miisan leh talana ka ogodo lehna kartidii ay dadkooda ku midayn lahaayeen waxna isula meel dhigi lahaayeen. waxa ibliis janada ka soo saaray waa xaasidnimo iyo u quuri waa,waana niman BUKA waaxaana ubixiyay NIMANKII BUKAY!
 
Aniguba masamayn dad isu keen,aniguba soomaali maxasilin,sidee Farmaajo ku helayaa guushaan!? doqonimo ayaa wehelisa xaasidnimada qudheeda maxaayeelay,soomaaliya oo dawlad hesha dalka hanata,soomaaliya oo midawda,somaliland iyo soomaaliya oo heshiiya oo israacaa maha uun Guul FARMAAJO ee waa Guul 20,000 000 labatanka milyan ee soomaaliyeed. xasan iyo shariif waxay cadaw cad u yihiin israaca soomaaliya iyo soomaaliland waxaase dhab ah in lays raacaayo doqontu haba murugootee. xasan iyo shariif waxay iska dhigayaan oo u dalaceenba qareeno soomaaliland!! xubi baa galay soomaaliland ah markuu hadlay FARMAAJO!!  Hada waa kuwii uun shalay ahaa madaxweynayaal wallaahi waa qudhoodii oo u soo hulaabtay soomaaliland.
Hada markay maqleen in laysu soo dhawaaday,madaxda soomaaliya iyo soomaaliland hogaamisaa ayay bilaabeen dhagaro iyo munaafaqad ay isleeyihiin ku burburiya heshiiskaas, si aan labada madaxweyne u helin sharaf iyo taariikh isla markaana soomaaliya u helin dawlad shaqaysa oo dalka oo dhan hanata soomaalina midaysa!! arintaasi waa uun garasho yari iyo xasad xagooda ahaaday waa u quuri waa. waa ragii shalay lahaa Farmaajo lama hadlaayo soomaaliland ayaa hada ay soo baxday munaafaqnimadooda iyo wajigooda foosha xun. hore iyo hadaba waa cadaw iyagu kasoo horjeeda midnimo soomaaliyeed.
PUNTLAND
Puntland intii uu yimid madaxweyne Dani waxay noqotay meel lajaan qaaday shabakada maafiyada ah oo la leh xiriir maxaayeelay Dani intii uusan Puntland ka noqon madaxweyne iyaguu kamid ahaa,hadana tuhun weyn ayaa jira oo ay qabaan siyaasiyiinta iyo shacabka Puntland xiriirka u dhaxeeya shabakada maafiyada ah iyo Dani calaamad suaal ayaa saaran?
Dani waa nin ku mashquulsan sida shabkada lacag uruursi oo aan dan kalahayn diin,dad iyo maamulwanaag xoolo aruurso mooyee,dhaqankana waxaa lagu yaqiin shabkada maafiyada ah.Dani si weyn buu uuga naxay kulanka labada madaxweyne madaxweynihiisa farmaajo iyo madaxweynaha soomaaliland Muuse biixi.
Dani wuxuu la duuban yahay mucaradkaa siday sheegtaan ka horjeeda in dalka ay ka hana qaado dawlad soomaaliyeed.Dani waxa uu cabsi xoogleh ka qabaa in soomaaliya guulaysato oo la midoobo,waxaana taa kala weyn lacagta uu hada helo iyo saldanada yar ee uu haysto ee Puntland ee dhaxalka ah in ay meesha kabaxdo,si taasi u dhicin ayuu suxul duub uugu jiraa! waxaase cajab noqotay nin dawladnimo iyo qaranimo shilimaan dhaafsaday. Taariikhdaa qoraysa cidkastoo diidan midnimada soomaaliyeed sharafka dawladnimada iyo gobonimada. shacabka soomaaliyeedna waa soo jeedaan indhaha ayayna kala hayaan. Soomaaliya iyo Soomaaliland waxay leeyihiin cadaw gudaha ah iyo mid dibada ah oo aan doonaynin midnimadooda iyo wada jirkooda.