Guddoomiye Muuse oo ku baaqay in la sameeyo goobo lagu daryeelo Caruurta maxbuuska

0

Isagoo ka qeyb galayay Munaasabad lagu xusay 50 sanno guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxuu ku baaqay in daryeel wanaagsan loo sameeyo Caruurta maxbuuska ah.

Guddoomiye Muuse ayaa xusay in Caruurtan ay u baahan yihiin daryeel wanaagsan sida in laga fekero caafimaadkooda, halka ay seexdaan, Amniga iyo sidoo kale goobo ay ku cayaaraan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu soo jeediyay in ahmiyad la iska saaro la dhiso Xarumo lagu daryeelo caruurta maxbuuska ee mararka qaarkood la soo eedeeyo.

Waxaa uu xusay in Bishii la soo dhaafay ay sii daayeen labo caruur oo lagu soo eedeeyay fal xatooyo ah kadib markii da’dooda iyo dambiga loo heystay ay sharci ahaan is waafiqi waayeen.

Garyaqaan Muuse ayaa tilmaamay Caruurta ka yar 13-ka sanno aan marnaba xukun qaban karin.