Dowladda Itoobiya oo war ka soo saartay raali-gelintii Farmaajo ee Somaliland

0

Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay raali-gelintii uu Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu dhowaan ka bixiyey xasuuqii Siyaad Barre ee deegaanada Somaliland.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warbixinteeda todobaadlaha ah ee ‘Week in the Horn’ ku sheegtay in raali-gelinta Farmaajo ay qeyb ka tahay talaabooyinkii u dambeeyay ee loo arkayey is-faham ay labada dhinac gaadheen.

Warbixinta wasaarada ayaa waxa kale oo lagu xusay qaabkii uu uga jawaab celiyay raali-gelintaasi Madaxweynaha Somaliland, waxaana lagu yiri “Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre. Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay talaabadan inay tahay mid gaar ah oo taariikhi ah”.

Sidoo kale waxa warbixintaasi lagu sheegay in labada madaxweyne ee Farmaajo iyo Biixi ay magaalada Addis-Ababa ay ku qaateen kulankoodii ugu horeeyay oo albaabadu u xirnaayeen.

“Toddobaadkii hore, labadoodu markii u horaysay waxay kulan albaabadu xidhanyihiin ku yeesheen Addis Ababa” ayaa lagu yiri Warbixinta todobaadlaha ee wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya.