DHAGEYSO:-Cali Mahdi” Mudulood Wax Uusan Rabin Somalia Lagama Sameyn Karo”

0

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho shirka watashiga beelaha Mudulood iyadoo ay ka soo qeybgaleen duubabka dhaqanka Beesha, Xildhibaanada labada Gole Baarlamaanka Federaalka, xubno ka tirsan Dowlad goboleedka Hirshabelle, Siyaasiyiin, Madaxweynayaashi hore.

Kulankan ayaa waxaa laga soo jeediyay qudbado ay soo jeediyeen mas’uuliyiintii ka soo qeybgashay iyadoo la rajeynayo in dhamaadka shirka laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan qodobada shirka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeybgashay ayaa waxa uu ku baaqay in shirkan uu noqdo mid sii ballaarto oo dhammaan beelaha Soomaaliyeed loogaga sii gudbo.

Cali Mahdi Maxamed ayaa carabka ku dhuftay in dalka uusan ka dhicin shir dib u heshiisiin dhab ah loona baahan yahay in Soomaali ay si dhab ah u heshiiso.