AKHRISO:- Jubbaland oo ku dhawaaqday howlgalkii Al-Shabaab looga saari lahaa Jubbadda dhexe

0

Taliyaha guud ee ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa faahfaahin ka bixiyay Xaaladda degaano dhawaan Ciidanka Jubbaland ay kala wareegeen Al- Shabaab ee ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha ayaa sheegay in nolosha dadka ay kuso noqotay sidii caadiga aheyd oo ay helaan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah ee nolosha sida Waxbarashada Caafimaadka iyo Biyaha, Aminigoodana ay sugaan Ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Jubbaland ay diyaarisay qorshihii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab laga soo saari lahaa gobolka Jubbada Dhexe, islamarkaana maalmaha soo socda ay la bilaabi doono.

Waxaa uu sheegay in goobaha kale ee weli gacanta ugu jira Al-Shabaab laga saari doono, islamarkaana Ciidanka Jubbaland ay qaadi doonaan howlgal ballaaran.

Taliyaha ayaa xusay in Ciidanka Jubbaland loo dhameystiray qalabkii ay kula dagaallami lahaayeen Al-Shabaab,islamarkaana Sanadkaan la xoreyn doono degaano badan.