AKHRISO:- Gudoomiye Mursal oo la kulmay Xubno Beesha Caalamka kamid ah

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa kulan la qaatay Wakiilo Ka Kala Socday UN, USA Iyo safiirada dalalka La isku yiraahdo Copenhegan Group oo ah safiirada dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya,waxaana kulanka looga hadlayay Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan Marka la gaaro sanadka 2020/2021.

Safiirada ayaa ku amaanay Baarlamaanka Soomaaliya howlaha ay hayaan ee la xiriira Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan sameynta sharciyada muhiimka u ah Doorashooyinka Dalka,Sidoo kalena waxa ay amaaneen horumarada kala duwan ee ay gaartay Dowlad Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay Kulanka iyo qodobadii kasoo baxay.