AKHRISO:- Dad Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Jubbada Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay Khasaaro Nafeed oo Maanta ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu haleelay gaari nooca raaxada ah oo mararay deegaan lagu magacaabo Birta-dheer oo duleedka ah Magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Dadka deegaanka ayaa waxaa sheegeen in gaariga uu qaraxu qabsaday ay la socdeen dad shacab ah oo ka yimid dhanka Degmada Afmadoow, kuna sii jeeday Magaalada Kismaayo, hayeeshee ay la kulmeen qaraxa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxaas ay ku dhinteen laba ruux oo la socday gaariga, waxaana goobta uu falka ka dhacay Meydadka kasoo qaaday dad shacab ah oo halkaas ka Agdhawaa.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’yuliyada qaraxaas ka dhacay deegaanka Birta-dheer ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana Gobolkaas horey uga dhacay qaraxyo noocaan oo kale ah.