Magaalada Mandheera oo Dagaal Qarka u saaran, Ciidan Somali ah oo ku sugan iyo Kenya oo Qaylo dhaan Saartay

0

Badhasaabka Mandheera Cali Roba ayaa sheegay in ciidamo Soomaali ah ay usoo gudbeen dhankooda, islamarkaana xiisadda ka dhex oogan dowladda federaalka iyo Jubaland ay halis ku hayso, Wuxuuna xusay inin Qabsashada ciidamada DF Soomaaliya ee degmada Beled-Xaawo ay soo barakicisay ciidamadii Jubaland, kuwaas oo usoo baxsaday, haatanna ku sugan Mandheera.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay ceyrsanayaan wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo isna la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Mandhera. “Ciidamadii soo cararay waxay usoo gudbeen Kenya, waxayna hadda ku sugan yihiin gudaha Mandhera. Tani waxay halis amni oo weyn ku tahay shacabkeena,” ayuu yidhi Cali Roba oo la hadlay golaha Mandhera.

Maamulka Isbitalka weyn ee Mandhera ayaa heegan la geliyey si ay ugu diyaar-garoobaan inay u gurmadaan dhaawacyada, haddii dagaal uu ka dhex qarxo ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka.

“Arrintan kama sii aamusi karno. Inkasta oo aan qadarineyno mowqifka dowladdeena ee ku aadan xiriirka Soomaaliya, haddana ma aqbali karno halista ay wajahayaan shacabkeena. Waxaan dowladda ka dalbaneynaa inay arrintan si wanaagsan iyo deg deg ah ula tacaasho,” ayuu yiri Cali Roba.

Cali Roba ayaa ka digay in Nairobi ay mas’uul ka noqon doonto haddii dhib uu soo gaadho shacabka Mandhera. “Waxaan ka codsaneynaa dowladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada uga saarto ciidamada Jubaland, si loo nabad-geliyo Mandhera. Xaaladda waa ay sii xumaaneysa, waxaana qarka u saarannahay dagaal weyn oo shacabka waxyeeleeya.”

Hadalka Roba ayaa imanaya ayada oo horey ay u jirtay cabsi laga qabo in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka gudbaan xuduudda, si ay halkaas uga soo qabtaan Cabdirashiid Janan, oo 28-kii Janaayo kasoo baxsaday Muqdisho