Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo hannaan daah-furnaa lagu ansixiyey, taas oo muujinaysa sida ay uga go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed, waa aragtaan in dib la idin ku soo celiyey awooddiinii, maantana ay gacantiina ku jirto. In Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay horey u soo ansixiyeen, aniguna aan madashan ku saxiixay caawa, si aad ugu codeysaan xisbiga iyo qofka aad dooneysaan.”
Hoos ka daawo Khudbada Madaxweynaha.