Ciidamada AMISOM Oo Qarax Khasaaro Geystay Lagula Eegtay Gobolka Sh/Dhexe

0

Wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM qarax miino lagula eegtay waxaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan khasaaraha ka dhashay.

Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaana kuwa Burundi oo ka baxay degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha dhexe kunasii jeeday deegaanka Buurane ayaa lala eegtay qarax Miino xili ay halkaasi marayeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Kolonyada ay la socdeen ciidamada AMISOM markii uu dhacay qaraxu in ay rideen rasaas fara badan oo khasaaro uu kaso gaaray dad shacab ahaa.

Inta la xaqiijiyay 4-qof oo deegaanka ahaa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen  rasaastii ay ku fureen ciidamada AMISOM waxaana dhaawacooda loosoo qaaday isbitaalka degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.