AKHRISO:- Puntland oo dadka uga digtay in ay hantidooda galiyaan Suuqa Forex

0

Maxamed Faarax Maxamuud Agaasimaha Bangiga dhexe ee Puntland oo maanta ka hadlayey munaasada ka dhacday Garowe ayaa dadweynaha Puntland uga digay in ay hantidooda galiyaan suuqa online-ka ee sarifka lacagta qalaad ee Forex.

Waxaa uu sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay Puntland ku soo badanayeen shirkado dadka lacagaha ka urursada oo sheega in ay sameynayaan maagalinta sarifka lacagaha qalaad.

“Tusaale ahaan shiraduhu waxay leeyihiin haddaad $500 nagu darsato, waxaanu kaa qaadayna 150$ oo adeeg ah, bil kastana waxaanu ku siinaynaa $220, lacagtaadii lafaha ahaydna waa kuu oolaysaa, mudo kadibna waxaa dhici karta in shirkadaahi yiraahdaan waa khasaarnay, lacagihii aanu ururinayna waa la waayay” ayuu yiri Agaasime Maxamed Faarax.

Agaasimaha Bangiga dhexe ee Puntland ayaa kula taliyay dadweynaha in ay la macaamilaan shirkadaha ku shaqaysta suuqa forex ee la hubiyay ee shatiga ka haysta bangiga dhexe ee Puntland, sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland daaraasad iyo xog u ruurin ku wado arrintaas.

Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa horey u mamnuucay adeegsiga Forex Trade.