SAWIRRO:-Wasiir Beyle oo ka qeyb galay bandhigga warbixinta Canshuuraha berriga ee 2020

0

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka qeyb galay bandhigga war bixinta Sanadlaha ah ee canshuuraha berriga ee 2020 -ka.

Wasiirka ayaa sheegay in dakhliga ka soo xerooday Canshuuraha berriga uu kordhay Sanadihii ugu dambeeyay, maadaama dedaallo dheeri ah ay wasaaraddu ku bixisay.

“Isbeddalka faa’idada badan waxaa sabab u ah sharciyadii aan meel marinay, wacyi gelin Bulsho iyo wada shaqeyn wanaagsan oo aan la leenahay Canshuur bixiyaha Dalka” ayuu yir: Wasiir Beyle.

“Dalkeenna waa in aan ku dhisanaa maalkeenna iyo dhididkeenna” sidaas waxa Bartiisa Fecebook-ga ku qoray Wasiirka maaliyadda XFS, C/raxmaan Ducaale Beyle.