SAWIRRO:-Soomaaliya iyo Cumaan oo ka wada hadlay xoojinta ganacsiga Labada Dal

0

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj; Cabdullaahi Cali ayaa Magaalada Musqat kula kulmay dhiggiisa Dalka Cumaan, Ali bin Mascuud Al-Sanadi.

Wasiirka oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda iyo rugta ganacsiga Soomaaliya, ayaa madaxdii ay la kulmeen waxay kala hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsiga soo-jireenka ah ee u dhaxeeya labada Waddan, gaar ahaan dhanka Xoolaha.

Labada dhinac ayaa waxay isku raaceen in loo baahan yahay in kor loo qaado tayada Xoolaha si looggu dhoofiyo Suuqyada Gobalka iyo kuwa Caalamka.

Wasiirrada ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen in la helo is-Afgarad u dhaxeeya labada Wasaaradood oo la xiriira arrimaha ganacsiga iyo Warshadaha, isla markaana la sameeyo Guddi farsamo oo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka ganacsi ee labada dhinac.

Waxanay sidoo kale isku raaceen in la abuuro madal ay ku kulmaan ganacsatada Soomaaliya iyo kuwa Cummaan (Somali-Oman Business Forum).

Dhinacyadu, waxa kale oo ay isla soo qaadeen in labada Dal ay isku xiraan Dhallinyarada leh hibada hal abuurka ganacsi, maaddaama ay haystaan da’yar aad u badan oo ku wanaagsan ganacsiga casriga ah ee dhanka Tiknoolojiyadda.

Madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya iyo Cummaan ayaa iyaguna yeeshay kulan gaar ah,waxanay ka wada hadleen fursadaha ganacsi ee ay wada yeelan karaan Labada dhinac.

Waxaanay isku Af-garteen in ay ganacsi wadaag noqdaan isla markaana ay yeeshaan kulamo joogto ah oo ay kaga tashadaan kordhinta ganacsigooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj; Cabdullaahi Cali Xasan iyo weftigiisa ayaa intaa ka dib booqday Matxafka Qaranka Dalka Cumman, kaas oo ah meel lagu keydiyo Taariikhda iyo dhaqanka Dalkaasi.