Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo wareegto ku mamnuucay ruqsadaha shirkadaha Forex

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa wareegta uu soo saaray waxaa lagu mamnuucay bixinta ruqsada shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Trading.

Waxaa sidoo kale wareegtadaan lagu xusay in ruqsadihii ay horey u bixisay dowlada hoose Xamar ee la siiyay shirkadaha bixiya adeega sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Tranding go’aan laga gaari doono.

Ganacsiga Forex ayaa ku soo kordhaya dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada dalka ee Muqdisho,waxaana ganacsigan ku xiran dad badan oo Soomaali ah.